Skip to main content

Soo-galeytiga

Akhri wax badan oo tallaalada ku saabsan oo Soomaali ku qoran.

Cayminta tallaalka ee soo-galeytigu waa kala duwan tahay iyadoo ku xiran halka ayey ka yimaadeen. Soo-galeytiga qaar waxay tallaalada ku helaan bilaa lacag, sida uu dhigayo barnaamijka tallaalka qaranka ee Finnish-ku. Marka qofku uu soo galay Finland, xirfadlayaashu waa inay qiimeeyaan baahidiisa dhanka tallaalada waana in sida ugu dhakhsaha badan tallaalada loogu bilaabo.

  • Kooxaha loogu deeqo tallaalada uu bixiyo barnaamijka tallaalka Finnish-ku waxa ka mid ah: carruurta iyo hooyooyinka uurka leh ee raadsanaya magangalyo ama ilaalin kumeel gaar ah; ardayda caalamiga ah ee heli kara daryeelka caafimaadka; qaxootiga dib-u-dejinta; dadka helay magangalyo ama oggolaanshaha degganaanshaha; iyo kuwa kale ee si rasmi ah ugu soo guuray Finland, sida ilme la korsaday. Marka laga tago kooxahan, dadka ka tirsan kooxaha caafimaad ahaan halista ku jira ayaa loogu deeqaa tallaalo iyaga loogu talogalay. 
  • Haddii qof soo-galeyti ah ay tallaalo ka maqan yihiin, tallaalada waa loo dhammaytiri iyadoo laga duulayo barnaamijka tallaalka Finnish-ka. Haddii qof soo-galeyti ah uusan tallaal qaadan, amase aan macluumaad laga hayn tallaaladiisa, wuxuu u heli doonaa tallaalada asaasiga ah si degdeg ah.
  • Iyadoo laga duulayo cudurrada ku badan waddanka uu ka yimi, qofka soo-galeytiga ah waxa sidoo kale dhici karta inuu u baahan yahay tallaalo aan ku jirin barnaamijka tallaalka Finnish-ka. Kuwani waa tallaalada qaaxada ama cagaarshowga B, tusaale ahaan. 
  • Tallaalka qaaxada, BCG, waxa la siiyaa carruurta da'doodu ka yar tahay 7 ee ka yimaadda waddamada heerka qaaxadu sarrayso. Sidoo kale waxa lagu taliyaa in la siiyo dhammaan carruurta ka yar 7 ee aan horey u helin tallaalka BCG ee uga yimi Finland xeryo qaxooti ama sida dhici karta dadka magangalyo-doonka ah ee la soo tahriibiyo, ama kuwa jooga xarumaha soo-dhawaynta ama dhisme loogu talogalay carruurta magangalyo-doonka ah. 
  • Dadka waawayn ee magangalyo-doonka ah waxa loogu deeqaa tallaalada daruuriga u ah ilaalinta caafimaadka qofka iyo bulsho-waynta. Qof kasta oo magangalyo-doon ah waa in laga tallaalay gawracatada, dabaysha iyo jadeecada, ugu yaraan. 
  • Sidoo kale waxa muhiim ah in cid kasta laga tallaalay koronafayras (COVID-19). Dadka magangalyo-doonka ah ee ku sugan xarumaha soo-dhawaynta sidoo kale waxa loogu deeqaa tallaalka hargabka. 
  • Tallaalka dabaysha waa la hubiyaa oo la xoojiyaa, markii ay daruuri tahay, dadka ka soo galay waddanka uu cudurka dabayshu ku badan yahay oo joogay halkaasi ugu yaraan 4 toddobaad. Dadkan waxa loogu deeqaa tallaalka dabaysha haddii 12 bilood ay ka soo wareegtay markii tallaalka hore ay qaateen. Dadka la deggan cid ka soo gashay waddamo cudurka dabayshu ku badan yahay sidoo kale waa in la tallaalo.
  • Waxaad ka heli kartaa macluumaadka ku saabsan barnaamijyada tallaalka ee waddamada reer Yurub websaytka European Center for Disease Prevention and Control (ECDC). Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sidoo kale haya liis ah barnaamijyada tallaalka ee waddan kasta. Hase yeeshee, soo-galeytiga oo dhan ma helaan tallaalada asaasiga ah. Haddii xaaladda tallaalka ee qofka aan la hubin, waxa fiican in la tallaalo. Qofka soo-galeytiga ah waxa sidoo kale dhici karta inuu ku qaatay tallaalada daruuriga ah waddankii uu ka yimi oo aan qayb ka ahayn barnaamijka tallaalka ee Finland. Had iyo jeer ma aha daruuri sii wadashada tallaaladan, laakiin soo-galeytigu wuxuu ka gadan karaa tallaaladan farmasi isagoo waraaq sita, hadduu sidaas rabo.
Page published 23.11.2023 | Page edited 23.11.2023